Ummad waliba si ayey u kaydisaa taariikhdeeda iyo sooyaalka nolosheeda. Dadka soomaalida oo ah ummad aan wax akhris-qorriinka aad ugu horayn, waxa ilaahay hibo u siiyey murti afeed lagu magcaabo suugaan. Suugaantaa ayaa in badan loo adeegsadaa hab xusuus qor ah oo la sigu tebiyo awaala waranka iyo faaleynta dhacdooyinka dunada soo mara islamarkaan lagu odorsaa mustaqbalka iyo waxa u soo sido si
casharo wax ku ool ah looga kororsado.
Hadaba buug dhowaan soo baxay ayaa waxa uu qoraaga Ibraahin. Y. Axmed oo loo yaqaan ‘Ibraahin Hawd’ waxa uu ku gorfeeyey; maanso suugaaneed loogu magac daray ‘Silsiladdii Deelley’ taasoo ka curatay geyiga soomaalida dabayaaqadii todobaatanadii socotayna ilaa horaantii sideetankii. Silsiladan oo lagu tilmaami karo ta ugu hodansan suugaanta soomalida ee casriga ah, waxa ay si qoto dheer inoo dareensiinaysaa waayihii iyo waqtigii la soo maray.