Social Icons

Thursday 13 June 2013

Abwaan Yuusuf-Shaacir Oo Tix Baroor-diiq Ah Ka Tiriyey Geeridii Ku Timi Marxuum Abwaan Macalin-Dhoodaan Oo Dhawaan Geeriyooday


Abwaan-Yuusuf-Shaacir.jpg
Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Yuusuf-Shaacir) oo ka mida Suugaanyahanada sida weyn
looga tix-galiyo gayiga Somalida ayaa tiriyey Gabay cusub oo uu ugu baroor-diiqayo Abwaankii caanka ahaa ee C/laahi Macalin Axmed (Dhoodaan) oo 26/04/2013 ku geeriyooday magaalada Harar ee dalka Itoobiya.

Gabaygan
baroor-diiqda ah ayuu Abwaan Yuusuf-Shaacir ku iftiiminayaa kaalintii qiimayha
badnayd ee Marxuum Abwaan Dhoodaan kaga jiray dhaqanka iyo Fanka Somalida Iyo waliba
foogaha la isweydiinayo cidda buuxin doonta ee uu banneeyey Abwaan Dhoodaan
Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee. Waxaanu Ilaahay uga baryey inuu
Qabriga u nuuro, Jannooyinkiisa sarena uu ku arsaaqo. Waxaanu ku bilaabay
sidan:


Aduunyada
wax kaa dhididiyaa kama dhamaadaane
Dhismaheeda weeyaan inaad dhiila maqashaaye
Dharaaraba nin nool bay u tahay dhibiyo aa faade
Dhabaal keedu caawana si buu dhiif u leeyahay ye
Dhagidiiday weeyaan war kaa haatan soo dhacaye



Dhacantii la qaadaba huraw dhinac banaanaaye
Dadii gabayga dhoodaan ka baxay ama kadheeraaday
Dhawaaqii libaaxiyo hadaan dhidibadii waayay
Dhoomaha aqoontiyo markay dhaadashada joogto
Dhaydiyo karuurkii hadaan dhaax la shubanayni

Dhirtu magaca dhuuxaw kasiman kalase dhaadheere
Dhoobada ilaah baa kadhigay ruuxba dhalankiise
Wayeel la dhawriyo qaryaan dhiiran baa tagay ye
Dhaqankiyo hidihii aan jeclaa waa dhitinayaaye

Hal iidhiman halaan layba dhigin halal kaloo
dhuuntay
Hal dhaawade halaan dheewadiyo halaan ku
dhiiftoomay
Hal dhacsiga halaan dhaacan jiray dhaabadiyo
xeerka

Dhama a iyo dhuyaalkiyo markaan dhuuga xidhanaayay
Dhulkaygiyo abwaankii yiqiin shayba dhaqankiisa
Ama dhacarta jiilaal wakhtiga dheegaw garanaayay
Dharaartuu lahaa iyo xaqaa dheelmad soo galay e
Ilaahay dhibaabaha qabriga hawga dhigo nuur

Dhulka aan ku foororo tashigan igu dhanaanaaday
Ama aan u dhawrsaday cabdiw dheeman baan tabaye
Dhan u ciiryay u dubkii dhigaha dhaaxaha hayn
jiraye
Dhoomihii cuslaa iyo xilkii igu dharaarawye
Sidii galaw daruur dharagtay iyo dhibic kayaabaaya
Dhaawaca dabeetiyo ka baqay gawre dhaxameede



Dhaayaha ninkii laga ridaa dheehashada diiye
Dhoodaan tu saaluu ahaa dhaqan ku jeeraaye
Dhalinyaro tahriibtiyo haween doorshay dhalankooda
Dhadadiyo hu maaguu lahaa haw dhagtaagina e
Dhaxal lagu nagaadiyo af kuu dhaabadayn jiraye
Alaylehe cad ceedbaa dhacdiyo damalki dheeraa


Dhamacdiyo qiyaamaha ilaah dheegsan kugu beegye
Dabi dhaafna kuu raaciyo dhawris gooniyehe
Dhacadiid la jiifiyo qabrigu dhaadan kuu noqoye
Dhadhankii fardawsiyo janada dharag laguu siiye
Aduunyada waxdhaameyo ilaah kuu dhitee sharaf’e 

No comments:

Post a Comment