Social Icons

Thursday 13 June 2013

Ergayga Cusub Ee QM U Qaabilsan Somalia Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland "Durdur News"

Nicholas_Kay_UN_Envoy.jpg
Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Nicholas Kay ayaa maanta yimid caasimadda Somaliland ee Hargaysa. 

Ergayga cusub ee Qaramada midoobay waxa madaarka Egal International Airport ku soo dhoweeyey Wasiirka arimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyagoo markii ay madaarka ka soo degeen ay si wada jir ah u booqdeen xabaalo-wadareedyada ku yaalla magaalada Hargaysa, kuwaasoo dhacay xiligii xasuuqii uu dalkan ka gaystay taliskii Siyaad Barre. 


Ergayga Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa markii uu Somaliland soo gaadhay waxa uu sheegay inay xilli hore tahay wakhtiga uu yimid Hargaysa taasoo uu ku sifeeyey mid uu ku muujinayo sida ay qaramada midoobay u taageerayso himilada nabadda iyo deganaanshaha. 

“Somaliland waa jasiirad nabdoon oo ku dhex taalla gobol aan xasiloonayn, waxaan rumaysan nahay inay jiraan casharo laga baran karo halkan Somaliland kuwaasi oo ku saabsan sidii nabadda gobolka loo dhisi lahaa,”ayuu yidhi Mr. Nichlas Kay. 

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Ujeedada aanu halkan u nimidna ay tahay inaanu taageerno, hindisayaal horseedaya nabad waarta.)) sidaa waxaa sheegay ergayga qaramada midoobay ee Somaliland iyo Somalia.”
June 13, 2013
DurdurNews
Posted by:Durdur Desk
Email: Info@durdurnews.com

No comments:

Post a Comment